Dagaal ka socda degmada Wanle-weyn & maamulka Sh/hoose oo ka hadlay

Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka socda degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose.

Sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii la isku maan-dhaafay maamulka degmada iyo cida looga dambeynayo.

Sidoo kale, arrimaha la isku hayo ee dagaalkan keenay ayaa la sheegay iney jirto sida loo maamulayo dhaqaalaha ka soo xerooda isbaaro lacagaha looga qaado gaadiidka oo taalla duleedka degmadaas

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka oo xalay bilowday, saakana soo sii xoogeystay uu weli ka socdo Wanla-weyn, ayna jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Waxaa xiran socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga degmadaas, waxaana gudaha iyo hareeraha Wanle weyn laga maqlayaa rasaas la isweydaarsanayo.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa ka hadlay dagaalkan ayaa ugu baaqay dhinacyada is haya iney joojiyaan.

“Waxaan baaq Nabadeed u dirayaa dhalinyaradda walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Wanlaweyn, walaalayaal Dagaal dhibaatada uu dalkeena geliyay waan wada aragnay waxaan idinka codsanaa in si bilaa shuruud ah lagu joojiyo dagaalka, waxa lagu kor dagaalamayo waa dadkiina, Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada reer Wanlaweyn waxaan ugu baaqaya inay nabada ka shaqeeyaan” ayuu yiri Gudoomiye Najax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -