Axmed Madoobe oo galabta soo gaaray Muqdisho laguna soo dhaweeyay ( Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Axmed Madoobe iyo wefdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada federaalka iyo Xildhibaano katirsan labasa Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka oo ay iskugu imanayaan madaxda madasha wadatashiga si looga arinsado dardar galinta arimaha Doorashooyinka Aqalka sare iyo golaha shacabka oo hada meel Wanaagsan maraya.

Shirkan Wadatashiga ayaana la filayaa in beri oo sabti ah ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana shirkan la filayaa in go’aano cusub oo doorashada la xiriira laga soo saaro.

- Advertisement -