Trump: “Qof walba oo Maraykan ah waa inuu u diyaar garoobaa Maalmaha adag ee soo socda”

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in shacabka maraykanka ay xiligan ku jiraan mid ka mid ah xiliyadii ugu adkaa taariikhda noloshooda, isagoo ugu baaqay iney dagaal aan naxariis laheyn la ngalaan cudurka Coronavirus.

“Qof walba oo Amerikaan ah waxaan ka doonayaa inuu u diyaar garoobo maalmaha adag ee soo socda,” ayuu Donald Trump ku yiri shir jaraa`id oo uu qabtay galabtii Talaadada.

“Waxay noqon doonaan labo toddobaad oo aad iyo aad u xanuun badan.” ayuu sidoo kale intaas ku daray.

Xanuun sidee ah? Markii madaxweynaha la weydiiyay inta qof ee Ameerikaan ah ee u dhiman karta fayraska iyadoo ay jiraan dadaallada badbaadinta ah, wuxuu sheegay inay fiicnaan lahayd in khubarradiisa caafimaad ay taas ka jawaabaan.

Tirada dhimashada, (ee la qiyaasayo) waxay u dhaxaysaa 100,000 illaa 200,000. 15-ka April, illaa 2,214 oo qof oo Ameerikaan ah ayaa loo maleynayaa inay xanuunka u dhiman doonaan.

“Cidna ma diiddana inaan ku jirno xilli aad u adag,” ayuu yiri Dr Anthony Fauci, oo ah agaasimaha Machadka Cudurrada Faafa ah. “Waa sida ay tahay.”

Madaxweynaha ayaa isku dayay inuu hadalkan dhanka kale u rogo, isagoo sheegay in tirada dadka u dhimanaya xanuunka ay gaari lahayd malaayiin haddii aysan dowladdu wax ka qaban.

Maraykanka ayaa haatan hogaaminaya tirada dadka ugu badan ee qaba cudurka COVID 19, waxaana uu cudurkan haleelay dad ka badan 200.000 Kun oo maraykan ah, halka dad kale oo kor u dhaafaya 5000 ay dalkaas u dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -