Guddiga DF u xilsaartay ka hortaga Cudurka COVID-19 oo digniin culus soo saaray

Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martiini ayaa sheegay in Soomaaliya laga helay 5-Qof oo qabta CoronaVirus, halka 17 kalena baaritaan lagu hayo Dalka oo dhan.

Dr. C/rizaaq Yuusuf Axmed (Jalaalu-diin) oo xubin ka ah Guddiga sare ee Dowladdu u xilsaartay xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 ayaa Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyay in aysan qarsan haddi ay isku arkaan calaamadaha xanuunka, isagoo sheegay inuu ka baqdin qabo in uu Dalka ku Laba qarxo maaddaama laga yaabo in dadka qaarkood iyagoo qarsanaya ay qaadsiiyaan dad fara badan.

“Wuu jiraa xanuunka ha inkirin, Dadka ka ilaali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qof walbana ku dhici kara, waa farrinta aan jecelnahay inaan Dadka la wadaagno, ayuu yiri Dr. Cabdi rizaaq.

Wuxuu Dadka ugu baaqay in aysan ka baqin xanuunka, kuna daydaan sida ay Bulshada caalamku usoo bandhigaan, wuxuuna baaq u diray Dadka isaga shakiyay ama ay tuhmayaan ee ku sugan Guryahooda iyagoo ka baqaya in la takooro macna qaldanna ka aaminsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa xarun lagu Karantiilo Dadka qaba Cudurka Corona virus ka hirgelisay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxanay howl-wadeennada goobtan ku boorrinayaan Buldhada in ay u dhega nuglaadaan talooyinka iyo wacyi-gelinta hay’adaha Caafimaadka ee Dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -