Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiid Dagaal iyo Hub ay ku qabsadeen Dagaalkii Balad Xaawo

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday 11-kii September ee sanadkan Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ayna Al Shabaab dagaal kula wareegeen Xero ciidamo iyo xarumo kale oo Balad Xaawo ku yaalay.

Dagaalkan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo soo gaaray Ciidamada maamulka Jubbaland iyo waliba dad shacab ah, waxaana dagaalkan Al Shabaab ku qabsadeen gaadiid dagala iyo hub kala duwan.

Al Shabaab ayaa soo saartay Filim ay ka sameeyeen dagaalkii ay ku qaadeen Balad Xaawo gaar ahaan Saldhigii Ciidamada Jubbaland, waxa ayna Shabaab muuqaalkooda kusoo bandhigeen gaadiid dagaal iyo hub badan ay ku qabsadeen dagaalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Janaraal Odawaa oo Shaaciyay khasaaraha ka dhashay Qaraxii Xerada Jan Dhaga Badan

Cabdi Cade

Dood Qaran: Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

admin

Duqeyn rayid badan lagu laayey oo ka dhacday Kharkiv Ukraine (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali