Abuu Mansuur oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland gaaray Afhayeenkii hore ee Kooxda Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo dhawaan isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya.

Abuu Mansuur iyo xubno kale oo la socday waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland uu horkacayay Wasiirka Arimaha Guddaha maamulkaasi Maxamed Warsame Darwiish.

Sida aan Wararka ku helnay Abuu Mansuur iyo xubnaha la socday ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Jubbaland,waxa ayna halkaasi kula kulmeen Madaxda sare ee maamulkaasi.

Ujeedka Socdaalka uu magaalada Kismaayo ku tagay Abuu Mansuur ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay wadatashiyo uwada yeelan lahaayeen Abuu Mansuur iyo Axmed Madoobe oo mar kasoo wada tirsanaa kooxda Al Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa maalmahan ku jiray safaro uu ku marayay qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, waxa uuna dhawaan tagay xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -