Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay laamiga hor mara xerada Saban Saban ee magaalada Muqdidho, waxaana qaraxan lala eegtay gaari Tikniko ah ay wateen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Allbanaadir ayaa noo sheegay in Qaraxa Miino lagu aasay laamiga dhinaca xigta Kulliyada Jaalle Siyaad ay degan yihiin Ciidamo AMISOM katirsan, waxaana qaraxa uu dhacay xili halkaasi uu marayay gaari Nuuca Dagaalka .

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay hal nin oo gaari dameer waday oo halkaasi marayay, waxaana qaraxaasi ka bad baaday gaarigii Tiknikada iyo ciidankii saarnaa ee la doonayay in lagu waxyeeleeyo.

Qaraxa Miino kadib ayaa rasaas waxaa furay ciidankii Milatariga ee qaraxa ka bad baaday, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo rasaastaasi ay fureen ciidanka Milatariga dad shacab ah kasoo gaaray.

Inta badan qaraxyada Miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka ayaa lala eegtaa gaadiidka dagaalka ay wataan ciidanka dowlada, waxaana mararka qaar qaraxyadaasi ay khasaaro kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cutubyo katirsan Ciidamada Gor Gor oo saakay Muqdisho laga sagootiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Talyaaniga oo Qalab casri ah ugu deeqay maamulka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac kormeeray rugaha ciidanka ee koonfurta Mudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---