Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime cusub oo loo magacaabay Warfaafinta Villa Somalia

Cabdiraxman Xudeyfi ayaa loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka ahna, isagoo horey u ahaa Afhayeenka Madaxtooyada.

Waxaa xilkii laga qaaday Abdulkadir Ali Dige oo labadii sano ee la soo dhaafay ahaa Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Somalia.

Dige ayaa markii hore ka tirsanaa kooxdii ololaha ee Madaxweyne Xasan Sheekh, balse waayihii dambe waxaa jiray khilaaf ka dhax taagnaa Xafiiska Warfaafinta ee Madaxweynaha, taasoo sababtay inuu ku baxo Afhayeenkii hore, halka Afhayeenka cusubna uu la kowsaday khilaaf iyo caqabado kale ilaa arrintu gaartay meel adag.

Agaasimaha cusub oo ahaa Rug cadaa saxaafadeed waxaa horyaala caqabado badan oo xal uga baahan waxaana ugu culus dhibaatooyin Madaxweynaha ka heesta baahinta waxqabadkiisa iyo la falgelidda waxa dalka ka socda.

Related posts

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw gaaray Gobolka Gedo

Cabdi Cade

Dib u habeyn balaaran oo lagu sameenayo Hay’adda Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Bankiga Horumarinta Islaamka oo Ballanqaad muhiim ah u sameeyay Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---