Israel oo ka iibsatay Itoobiya Barnaamij Halis ku ah Shacabkeeda iyo dalalka kale

Warbixin ay soo saareen cilimi-baarayaal waaxda (Citizen Lab) ee ka tirsan Jaamacada Toronto ee dalka Canada ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyada Internetka oo ay dowlada Itoobiya kasoo iibsatay shirkad laga leeyahay Israel oo ka ganacsata barnaamijyada dadka, shirkadaha iyo dowladaha lagu basaaso

Barnaamijkan ayaa la sheegay in dowlada Itoobiya ay kasoo gadatay shirkada CyberBit Solutions Ltd ee laga leeyahay Israel kana mid ah shirkadaha qandaraaska ka heysta militariga Israel. Waxaana barnaamijkan oo la yiraaho [PC Surveillance System (PSS)] loo adeegsadaa in lala socdo dhaq dhaqaaqa iyo xogta ku jira computerada in badan oo kamid ah shacabka iyo qurbo joogta itoobiya.

Dowlada itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan u adeegsato basaasida shirkado iyo dowlado kale, waxaana warbixintan lagu soo bandhigay cadeynamaha dalalka ay Itoobiya weerarka dhanka internetka ku qaaday sanadkii lasoo dhaafay 2016 illaa iyo sanadkan aanu ku jirno.

Qurbo joogta shacabka Oromada ayaa la sheegay inay ugu badan yihiin dadka sida gaarka ah ay u basaasaan sirdoonka Itoobiya oo doonaya inay ogaadaan dhaq dhaqaaqa iyo xogta internetka isku dhaafsadaan dadka ay u arkaan mucaaridka dowlada iyo waliba suxufiyiinta madaxa banaan.

Israel ayaa sanadihii lasoo dhaafay dadaal weyn ugu jirtay inay Qaarada Afrika ku yeelato ganacsi xoogleh oo dhanka tiknolijiyada ah iyadoo barnaamijyoo badan oo wax lagu basaaso ka gaday dalal badan.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Kenya xiligii caleemo saarka Madaxweynaha dalkaasi ee Uhuru Kenyatta ayaa khudbadii uu kasoo jeediyey Nairobi ku sheegay inay doonayaan in dalalka Afrika ka caawiyaan dhinaca tiknolijiyada iyo waliba la dagaalanka argagaxisada sida Daachis, Al Shabaab iyo Boko Xaram.

Shirkadaha Israel ayaa loolan xoogan kula jiray Shirkadaha laga leeyahay Yurub oo iyagu horey u heystay suuqyada Afrika ee dhanka qandaraasyada militairga iyo tiknolijiyada.

W/Q Maxamed Cismaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -