Daawo Muuqaal+Sawiro “Ra’isul Wasaare Kheyre oo Bogaadin ugu tagay Xarunta Wasaarada Maaliyada

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Wasaarada Maaliyada , oo kamid ah Wasaaradaha ugu shaqada badan Xukuumada Soomaalia.

Xasan Cali Khere Xarunta Wasaarada Maaliyada waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada C/Raxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaradaasi katirsan.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa u tagay xarunta Wasaarada Maaliyda si uu u bogaadiyo guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay’adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP,  kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.

Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , waxa ayna Hay’ada soo dhaweysay qaabka hufan ee Wasaarada Maaliyada u shaqeyso una kordhisay Dakhliga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -