Allbanaadir.com
NEWS

Dad ka badan toban qof oo isku beel ah oo lagu dilay weerarkii Hotelka Xayaat (Akhriso Magacyada)

Hotelka Xayaat weerarka lagu qaaday waxaa ku nafwaayay dad ka badan 30-qof, kuwaa oo qaarkood la helay meydadkooda, halka kuwa kalana wali ku jiraan dhismaha hotelka oo la burburiyay.

Dadka ku naf waayay hotelka Xayaat waxaa ku jiray dad badan oo isku beel ahaa ,kuwaa oo la sheegay in hotelka u tageen in ay ku shiraan, waxaana dadkan la laayay isugu jireen rag iyo haween ka koobnaa siyaasiyiin, aqoonyahano iyo qurbojoog.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalim oo katirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in 11-qof oo kamid ah beesha uu kasoo jeedo ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat.

”Tolka qasaare ba’an ayaa ka soo gaaray weerarka hotel Xayaat, inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebe ha bogsiiyo, runtii waa dhacdo xanuun badan oo ay naftooda ku waayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, 11-qof ayaa Gugundhabe uga dhimatay weerarka Baadicadde 9 iyo Jidle 2” ayuu yiri Xildhibaan Macalimiin.

Halkan ka Akhriso Magacyada dadkaasi ka koobnaa halka beel ee ku dhintay weerarka

1.Xaji Bashir X.Suleymaan Muxumed
2.C/rashiid Cabdi Axmed
3.Shahiid Axmed Cumar
4.Axmed C/aahi Ibrahim
5.C/aahi Abiib Maxumed
Wa kuwaa Magacyada Oo Dhameystiran
6 Maryan Shiikh Cali
7 Abdirashid Nuunow
8 Yusuf Mahad Barrow
9 Ahmed Cali Xaaji
10 Nasra Ahmed Cali (Nasra Shiine)
11 Seynab Abdi Maqaar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Soomaalida lagu dilay sanadkii tagay dalka Koonfur Afrika  oo la shaaciyay

admin

Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay Wayrax Khaliif iyo Yuusuf Xuseen Cabdi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya & afhayeenka ONLF oo Addis ababa ku kulmay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---