Allbanaadir.com
NEWS

Madaxwene Erdogan oo Baaq Muhiim ah u Diray Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta Khudbad xamaasad leh ka jeediyay Shir deg deg ah oo Hogaamiyaasha Ururka Iskaashiga Islaamka uga furmay dalka Turkiga.

Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay Go’aankii Donald Trump , waxa uuna ugu baaqay Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka in magaalada Qudus u aqoonsadaan Caasimada Xooga lagu heesto ee Falastiin.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Turkiga in Go’aankii kasoo baxay dowlada Mareykanka ee magaalada Qudus loogu aqoonsaday Caasimada Isaa’iil uu yahay mid waxbo kama jiraan ah aysan qaadan karin.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa mar kale ku celiyay Israa’il in ay tahay Argagaxiso, waxa uuna ugu baaqay Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka in ay go’aan adag ka qaataan  tilaabadii Mareykanka ugu aqoonsaday Qudus Caasimada Israa’il.

Hogaamiyaasha kale ee ka hadlay Shirkan deg dega ah ayaa si isku mid ah u cambaareeyay go’aanka dowlada Mareykanka, waxa ayna cambaareyn usoo jeediyeen dowlada uu hogaamiyo Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah xarumaha sarifka Online ee Muqdisho oo sababo amni loo xiray

admin

RW Khayre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyada iyo dekeda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

DEG DEG: Turkiga oo qaaday talaabo dhabarjab ku ah Milateriga Ruushka ee ku duulay Ukrine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---