Duqa Muqdisho oo Kulan Qarsoodi ah la Qaatay Odayaasha Beeshiisa iyo Xog ku aadan …

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa dhawaan kulan qarsoodi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee beeshiiisa, iyadoo kulankaas loo diiday saxaafadda maadaama looga hadlayey arrimo xasaasi ah.

Goobjoogeyaal ka qeybgalay shirkaas qarsoodiga ah ayaa sheegay in kulankaas uu guddoomiye Taabid la yeeshay dhaqanka beeshiisa uu uga raadsanayey taageero iyo sidii uu kursigiisa u sii cimrin lahaa.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu xiligan culees ka dareemayo Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday Odaaasha Beeshiisa in ku taageera in kursiga sii joogo si uu beesha wax muuqdo ugu qabto.

“ Aniga ayaa idiin yeeray waxaana idiin sheegayaa in maanta qofka idiin baahan aan aniga ahay, waxaana idinka doonayaa inaad garab igu siisaan sidii aan ku sii ahaan lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, ane waxaan idin balan qaadayaa in aan isbedel la imaado oo beesha wax muuqda u qabto xag dhaqaale iyo dhinac waliba” Ayuu Yiri Taabid.

Taabid ayaa ka raali galiyay Odayaasha beeshiisa in markii hore albaabada ka xirtay, waxa uuna sheegay in uu hada wax badan iska bedelay uuna dhageysan doono Odayaasha iyo Siyaasiyiinta beeshiisa.

”Haddii aan qaldanahay waa I qaban kartaan, sababtoo ah waxaan ahay wiilkiina, waxaan kaloo idinla wadaagayaa inuu jiro qilaaf igala dhaxeeya, xubno kamid ah Madaxda sare ee dalka , waxaana laga shaqeenayaa sidii xilka la iiga qaadi lahaa,   xilkana Soomaali ka sokoow waxaan u hayaa adinkoo beesheyda ah” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Kulankaan sida qarsoodiga ah uga dhacay Muqdisho ee uu guddoomiyaha gobolka Banaadir la qaatay beeshiisa ayaa caddeyn u ah culeyska ka haysta Duqa Muqdisho Madaxtooada Soomaaliya.

Guddoomiye Taabit ayaa ah nin aan u lahayn qibrad siyaasadda dalka dhawaangalna ku ah masraxa lagu kala feynto kuraasta dowladnimo, han weynna ka leh xilal ka sarreeya kan uu maanta hayo, inkastoo dadka wax falanqeeya ay ku sheegaan nin ismuujin badan oo haddana waxqabadkiisu yar yahay.

W/Q Bashiir Maxamuud
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-Uk
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -