Hubka Casriga ah ee Daacish ku dagaalanto oo la ogaaday halka laga keenay iyo sida ay ku heleen

Warbixin ay soo saareen hay’ada baarta hubka loo adeegsado dagaalada caalamka ka socda ee Conflict Armament Research (CAR) ayaa lagu sheegay in hubka ay kooxda Daacish u isticmaashay dagaalada Siiriya iyo Ciraaq in badan laga keenay reer Galbeedka iyo waliba Sacuudiga.

Qoraalka baaritaankan oo khamiistii shalay la shaaciyey ayaa lagu cadeeyey meesha laga keenay in ka badan 40.000 hub iyo rasaas isugu jira oo laga qabtay kooxda Daacish oo laga saaray intii badneyd dhulka Ciraaq iyo Siiriya.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay in inta badan hubka ay ku dagaalamayeen ay ka qabsadeen ciidamada dowladaha Siiriya iyo Ciraaq, balse 10% hubka gacantooda ku jiray ay ahaayeen kuwo casri ah oo lagu sameeyey dalalka Yurub, waxaana soo gatay oo keenay goobaha dagaalka dalalka Maraykanka & Sacuudiga.

Hubkan laga keenay Yurub ayaa la sheegay in ay kooxaha ka dagaalamaya Siiriya ay ku wareejiyeen Maraykanka iyo Sacuudiga, hubkaasi oo markii danbe u gacan galay kooxda Daacish / ISIS. Arrintan ayaa ka hor-imaaneysa sharuucda caalamiga ah ee mamnuucayey in dowladaha hub u diraan goobaha ay ka socdaan dagaalada sokeeye.

Warbixintan ayaa ah midii ugu horeysay oo si dhab ah u cadeenaysa shakigii horey looga qabay in dalalka Maraykanka iyo Sacuudiga ay si dadban hubka u siiyaan kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -