Coronavirus oo caga dhigtay Jabuuti & kiiskii ugu horeeyey oo laga helay

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus lagu arkay dalkaasi, xili caalamka uu ku soo faafayo cudurkan dilaaga ah.

Wasiirka caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye ayaa xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalkaas gaaray 14-kii bishan Maarso.

Maxamed Warsame Diiriye ayaa intaas ku daray in haatan ninkaas la karantiilay, xaaladiisana ay degan tahay, isagoo xusay in la baadi goobayo hadda dadkii la macaamilay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili cudurkan maalmo ka hor laga helay dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo dhamaantood ku yaalla bariga Afrika.

Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waxaa lagu qiyaasaa 200,000 oo kun, waxaana u dhintay 8,000 kun oo kale, iyadoo maalin walba cudurkan uu soo ridanayo dad hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -