Puntland oo walaac & shaki ka muujisay Ciidamada loo tababaro dowlada Somalia

Puntland ayaa dowlada Soomaaliya ku eedaysay inay wado dhismaha ciidamo hal dhinac ah oo qatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida dalka.

Qodob ka mid aha War-muriyeedkii shalay ka soo baxay Shirkii wadatashiga Garowe ayay Puntland ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay jebisay Heshiiskii dhismaha ciidanka Qaranka ee la saxiixay sannadkii 2017, kaasoo dhigayay in dalka loo dhiso Ciidamo midaysan oo heer Qaran ah.

“Shirweynuhu wuxuu walaac ka muujiyey in ay dowlada federaalku dhiseyso ciidan dhinac u raran oo aan isu’dheelii tirnayn khatarna ku noqon kara Amniga, Xasiloonida iyo Wadajirka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland.

Sidoo kale, Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Shirweynuhu xukuumadda Puntland ugu baaqayo, in ay la-xisaabtan adag la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha ku gacan-siiya Tababarka ciidamada.

Puntland ayaa eedeyn iyo khilaaf joogto ah kala hor imaneysay dhamaan madaxdii soo martay DF marka laga reebo Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka soo jeeda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -