Dib u dhac ku yimid caleemo saarka Madaxda Galmudug & Sababta ka dambeysa

Guddiga Qaban qaabada Munaasabadda Caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisa ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigey Munaasabadda sababo la xiriira xaalada dalka kusoo korortay ee Cudurka Cornavirus.

Munaasabadda Caleem-saarka ayaa Guddiga waxaa ay horey u iclaamiyeen in la qabto 26-ka Bishan,hayeeshee dib loo dhigey sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU YUUSUF GARAAD KU FAAFIYEY BARAHA BULSHADA

Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu goā€™aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020.

Guddigu wuxuu goā€™aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn.

Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19.

Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon.

Madaxtooyada Galmudug waxay muddo gaaban gudaheed faahfaahin rasmi ah ka bixin doontaa howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -