Tirada Wariyaasha lagu dilay Caalamka 20-kii sanno ee lasoo dhaafay oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo…

Ku-dhawaad 1,700 Suxufiyiin oo lagu dilay Caalamka 20-kii sano ee la soo dhaafay

Warbixin-sanadlaha ee ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn (The Reporters Without Borders (RSF) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ayaa soo saartay Warbixin ku aadan Tacadiyada ay Suxufiyiinta kala kulmaan dalal ka tirsan Caalamka, iyadoo 20-kii sano ee u dambaysay la dilay Ku-dhawaad 1,700 oo Suxufiyiin ahaa.

Warbixinta oo la soo saaray shalay oo Jimco ahayd ayaa lagu sheegay in 67 Saxafi iyo Shaqaale Warbaahinteed oo sanadkan lagu dilay dalalka Caalamka, iyadoo Tirada dhimashada Sare u kacday sanadkan marka loo eego sanadkii hore ee 2021-kii oo la dilay ilaa 41 Saxafi oo Caalamka oo dhan ah.

Dagaalka Ukraine, Xasillooni-darada dalka Haiti iyo Sare u kaca Colaadaha Kooxaha Dembiilayaasha ee dalka Mexico ayaa Kenya in la dilo Suxufiyiin ku guda-jiray Shaqadooda sanadkan 2022-ka.

Ukraine ayaa haatan ah dalka ugu khatarta badan Europe ee dhanka Warbaahinta, iyadoo Sanadkan 8 Saxafi lagu dilay dalka Ukraine, tan iyo markii ay Milliteriga Raashiya duullanka xoogan ku qaadeen dalkaasi bishii February 24-dii ee sanadkan sii dhamaanayo.

Gudaha dalka Raashiya, 25 Saxafi ayaa lagu dilay 20-kii sano ee ugu dambaysay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in 20-kii sano ee la soo dhaafay ay dalalka Iraq iyo Syria ahaayeen Waddamada ugu khatarta badan ee Saxafi ahaan looga shaqeeyo, iyadoo 578 Saxafi lagu dilay labadaasi dal 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Dalka Mexico waxaa lagu dilay 125 Saxafi, dalka Filibiin 107 Saxafi, Afghanistan 81 Saxafi, halka 78 Saxafi lagu dilay Somalia 20-kii sano ee ugu dambaysay.

W/T Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -