Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa beeniyey warar saaka si weyn loogu faafiyey baraha bulshada oo tilmaamaya in qof kale oo Soomaali ah laga helay cudurka Covid-19.

Maxamed Saciid Cabdullaahi oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegay in uusan dalka oolin qalabka lagu baaro cudurkaasi, isla markaasina dadka laga shakiyo dowladu ay dalka dibadiisa ku soo baarto.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ka codsaday shacabka iyo warbaahinta iney iska ilaaliyaan baahinta wararka mala awaalka ah ee la xiriira dad uu haleelay Coronavirus, ayna mar walba ka war sugaan Wasaarada Caafimaadka oo u xilsaaran xaqiijinta dadka laga shakiyo iyo dhamaan arrimaha la xiriira cudurkan.

Baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa waxaa saaka lagu baahiyey warar been abuur ah oo ah sheegaya in qof iska shakiyey oo tegay isbitaalka Digfeer laga helay cudurka COVID-19. ka dib markii la baaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -