Puntland oo dadkeeda ka mamnuucday nooc ka mid ah dharka la xirto (Sababta)

Taliyaha guud ee ciidamada booliska Puntland Jen. Muxidiin Axmed Muuse ayaa soo saaray amar cusub oo laga hirgelinayo guud ahaan deegaanada maamulka, kaasoo qeyb ka ah ka hortaga iyo la dagaalanka Coronavirus.

Jen. Muxidiin Axmed Muuse ayaa amar ku bixiyey in wixii maanta ka dambeeya degaanada maamulka Puntland aan loo iib geyn karin dharka nuuca loo yaqaano Huudheyda, isagoo ka dalbaday dad reer Puntland in aysan isticmaalin dharkaas.

Taliyaha booliska Puntland ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid looga hor tegayo cudurka dunida kusii faafaya ee Coronavirus ama COVID-19.

“Go’aanka lagu joojiyay Huudheyda waa mid lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, waa in la qaataa awaamiirta laga soo saarayo ka hor tagga caabuqa Coronavirus, si looga badbaado cudurkaas, waa in la iska ilaaliyaa dharka lasoo isticmaalay ee Huudheyda.” ayuu yiri Jeneraal Muxyadiin Taliyaha guud ee booliska Puntland.

Coronavirus kiisaskiisii ugu horeeyey ayaa laga helay dalalka deriska la ah Soomaaliya, ee Kenya iyo Itoobiya, waxaana sare u kacay halista ay Soomaaliya ugu jirto inuu u soo gudbo cudurkan oo dad kumamaan qof gaaraya ku laayey dunida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -