Ciidanka Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay fanaan booqday magaalada Muqdisho

Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Fanaanka Qamar Suugaani oo mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho, maantana gaaray magaalada Berbera.

Qamar Suugaani ayaa waxaa gacanta ku dhigay Booliska ka dib markii uu socdaal dhulka ah ku soo galay Somaliland, kaasoo uu kaga yimid magaalada Garoowe oo ku tagay dayuurad ka qaadau Muqdisho.

Fanaanka ayaa mudooyinkan Muqdisho kaga qay qaadanayey bandhig faneedyo kala duwan oo lagu qabtay hotelo iyo goobo kale, isaga iyo fanaan kale, kuwaasoo aan wax siyaasad ah shaqo ku laheyn.

Maamulka Somaliland ayaa looga bartay iney xabsiga dhigaan shaqsiyaadka caanka ah ee u safra magaalada Muqdisho, laamaha amaanka Somaliland ayaan illaa hadda war ka soo saarin arintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -