Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Baarlamanka Galmudug oo ansixiyey in la tiro qodob ku jiray dastuurka Maamulkaas

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta ansixiyey in xildhibaanada qaarkood lagu soo dari karo golaha wasiirada maamulka Galmudug.

Ku dhawaad 56 mudane ayaa meel mariyay mooshinka ay soo gudbiyeen xildhibaano kor u dhaafaya 20 xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Waxaa uu intaas ku daray in dhammaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ay u codeeyeen in meesha laga saaro qodobka dastuurka maamulkaas ku yaalla ee Xildhibaanada ka hor istaagaya inay noqdaan Wasiiro.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la filayaa inuu dhowaan ku dhawaaqo golaha wasiirada cusub ee maamulkiisa ka dib marka ay dhamaato xaflada caleemo saarkiisa oo 26-ka bishan ka dhaceysa Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray iyo soo dhoweyntiisa oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa Baaq deg deg ah soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar askar badan lagu dilay ka fulisay Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---