Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kormeer ku sameeyay xarunta maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar si uu ugu kuurgalo howlaha ka socda iyo adeegyada muhiimka ah ee maamulku u hayo bulshada ku nool caasimadda Muqdisho.

Qaybaha kale duwan ee xarunta dowladda hoose ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse kormeer guud ku sameeyay, wuxuuna warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar.

Xamse Barre ayaa ku boorriyay in ay dardar-geliyaan adeegyada mudnaanta u leh bulshada ku dhaqan caasimadda iyo hirgelinta hannaan ku dhisan maamul wanaag, kuwaasi oo kalsooni galinaya shacabka mas’uuliyada loo hayo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) iyo xubnaha kale ee maamulka ayaa tillaamay doorka kaga aaddan iyo ahmiyadda ay leedahay in la horumariyo addeegyada aasaasiga ah iyo bilicda magaalada, isla markaana mudnaanta koowaad la siiyo sugidda amniga caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hanjabaadii Madaxweyne Erdogan oo Xiisad ka dhax abuuray Dowladaha Turkiga iyo Russia

Cabdi Cade

(Sawirro) Sidee Xassan Shiikh oo loogu soo dhoweeyey Magalada Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen Weerarkii Masagaway (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---