Abiy Ahmed oo ciidamada Itoobiya ugu hambalyeeyey guusha dagaalkii Somalia ee 77

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hambalyo u diray Muwaadiniinta Itoobiya sida ay uga qeyb qaateen jabkii ciidamadii ku soo duulay ee Soomaaliya ugu gaysteen Buurta Kaaramardha ee Duleedka magaalada Jigjiga sida ay baahisay warbaahinta FANA ee taageersan dowlada Itoobiya.

Waxaa laga joogaa 42 sano ayaa kasoo wareegtay markii Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya la wareegeen dhulkii Soomaaliya ee xiligaas Itoobiya ay haystay hadana loo yaqaano Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka hor intaan Midowgii Soviet la soo safan dowlada Itoobiya, ciidamadii Somaliyana laga soo saaray dhulkii ay qabsadeen ee Soomaali galbeed.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa arrintan ku tilmaamay fal labo wajiilenimo ah oo uu ku dhaqaaqay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo marka uu madaxda Soomaalida la joogo ka dhawaajiya in bog cusub uu u furmay taariikhda labada dal, dagaalkii horey u soo dhexmarayna ay sabab u ahaayeen labo dowladood oo xili hore jiray.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa sheegay in arrintan ay tusaale u tahay inaan la aamini karin, isdhexgalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Abiy Axmed uu sheego inuu ka wado Geeska Afrika.

“Su’aashu waxay tahay sidee loo aamini karnaa isdhex galka siyaasadeed iyo dhaqaale Soomaaliya iyo Itoobiya ee Abiy Axmed maalin walba ka sheekeeyo hadiiba cadowtinimada gaamurtay ee intaan la’eg uu aaminsan yahay” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Waxaa uu intaas ku daray in falka uu ku kacay Abiy Axmed ay cashar u tahay Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inuu rumeystay dhalanteedka iyo boor isku qariska Abiy Axmed.

“Waxaan rajaynayaa arintaan in ay cashar uu wax ka baran karo u noqoto Madaxweyne Farmaajo oo dhalanteedka iyo boor isku qariska Abiy Axmed run u haysta, dalka iyo dadka Somaaliyeedna uusan cadow gacanta u gelin” ayuu sidoo kale yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -