Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta oo laga helay cudurka Coronavirus

Sida uu qoray wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa Turkiga, oo soo xiganaya warbaahinta Israel, dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed ayaa la sheegay inuu ku dhacay cudurka Coronavirus

Wargeyska ayaa qoray in Bin Zayed uu cudurka ka qaaday qof u dhashay dalka Philippine oo adeege ka ah aqalka madaxtooyada Imaaraadka.

Faahfaahin lagama bixin sida qofka shaqaalaha uu cudurka ku gaarsiiyey Mohammed Bin Zayed inkastoo cudurkan lagu qaado qaab aad u fudud sida neefsashada iyo taabashada.

Wararka ayaa sheegaya in Mohamed Bin Zayed la dhigay isbitalka Cleveland ee Abu Dhabi, halkaasoo uu ku jiray maalmo, ka hor inta aan laga saarin.

Dowlada Imaaraadka weli kama hadlin wararka sheegaya in Bin Zayed laga helay cudurkan halista ah oo kumanaan qof ku dilay caalamka kuwo kalena ay la ildaran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -