Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay mid ka mid ah maraakiibta Mareykanka

Xuutiyiinta Yemen ayaa ayaa gantaal ku garaacay markab xamuul oo laga leeyahay dalka Mareykanka, sida ay bayaan ku sheegeen taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

M/V Gibraltar Eagle, oo ah markab sitay calanka Jasiiradaha Marshall ayna maamusho shirkadda Eagle Bulk oo fadhigeedu yahay Maraykanka, ayaa waxaa soo gaaray burbur yar lamana sheegin wax dhaawac ah oo gaaray dadkii saarnaa.

Bayaan ka soo baxay shirkadda Eagle Bulk Shipping ayaa lagu xaqiijiyay in Gibraltar Eagle, oo siday shixnad alaab bir ah, uu ku dhacay gantaal aan la aqoonsan xili uu marayey meel qiyaastii 100 mayl ka baxsan xeebta Gacanka Cadmeed.

“Saamayntaas awgeed markabka waxaa soo gaaray burbur kooban oo soo gaaray shixnadaha laakiin wuu xasiloon yahay wuxuuna ka baxayaa aagga,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Dhammaan badmaaxiintii saarneyd markabka ayaa la xaqiijiyay in aysan dhaawacmin.” ayaa lagu yiri bayaanka

Hay’adda ammaanka badaha ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan dhacdadan.

“Maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxaddar leh u gudbaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo” ayey yiri UKMTO.

Horaantii maalintaas, Xuuthiyiintu waxay isku dayeen in ay ridaan gantaalka lidka maraakiibta kaas oo ku fashilmay duulista, kuna burburay Yemen, sida ay sheegeen taliska dhexe.

Khamiistii, Mareykanka iyo UK waxay garaaceen 28 goobood oo kala duwan oo Xuutiyiin ah iyagoo isku dayaya inay carqaladeeyaan awoodda kooxda inay ku rasaaseeyaan marinnada maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas..

Maraykanka ayaa qaaday weeraro dheeraad ah habeenimadii jimcaha kuwaasoo aad uga yaraa baaxada waxaana lala beegsaday goob raadaar ah oo ay isticmaalaan Xuutiyiinta,sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah.

 

- Advertisement -