Munaasabad caawa ka socota Villa Somalia & RW Khayre oo ka qeyb galaya (Sawirro)

Xafladda daahfurka munaasabadda 60-sano guurada xornimada iyo midnimada ayaa ka socota caawa beerta qarannimada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taalla xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabada ka qeyb galaya RW Somalia Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka, maamulka gobolka banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan iyo ururada bulshada.

Sidoo kale waxaa munaasabadan heeso wadani ah, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan kale ku soo bandhigay kooxo ka tirsan fanaaniinta Soomaaliyeed.

Dowlada Somalia ayaa qorsheyneysa iney sanadkan si weyn sidii hore u xusto Munaasabadda 60-sano guurada xornimada iyo midnimada oo ku beegan 26ka Juun iyo 1-da Luulyo, waxaana xariga laga jari doonaa mashaariic waaweyn oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Janaayo 04, 2020 waxuu magacaabay guddiga guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda dalka oo shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020.

Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.

DAAWO SAWIRRO IYO VIDEO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -