Ciidamada Kenya oo Madaafiic ku garaacay Balad Xaawo iyo Ciidamo badan oo xadka lasoo dhoobay 

Ciidamada milatariga Kenya ee ku sugan xadka u dhaxeeya degmooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa lagu soo waramayaa in madaafiic saakay ku garaaceen xaafado katirsan Degmada Balad Xaawo.

Gudoomiye kuixigeenka gobolka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdulaahi ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan xadka madaafiic saakay kusoo garaaceen xaafado katirsan Degmada Balad Xaawo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in madaafiicdaasi ku dhaceen xaafado shacab, waxa uuna sheegay in uusan wali maqal khasaaro nafeed oo ka dhashay madaafiicdaasi balse uu bur bur badan gaarsiiyay guryo dhoor ah.

Axmed Barre ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Kenya ciidamo aad u badan soo dhoobtay xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna tilmaamay in ciidankaasi wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo garab istaag ay u muunjinayaan ciidamada Jubbaland.

Waxa uu sheegay masuulkan katirsan maamulka Gedo in ciidamada dowlada Soomaaliya ay joogaan Xadka ayna halkaasi difaac uga jiraan, waxa uuna tilmaamay in dagaalkii shalay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen ciidamada Jubbaland.

Ciidamada dowlada Kenya soo dhoobtay Xadka Soomaaliya ayaa la sheegay in gabi ahaan maanta xireen Xuduuda Mandheera la wadaago Balad Xaawo, waxaana la sheegay in hakad ku jiraan dhaq dhaqaaqii iyo isku socodkii u dhaxeeyay Mandheera iyo Balad Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -