Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al-Shabaab oo War ka soo saartay fal dil ah oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in xalay ay Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ku dileen Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

War lagu faafiyey warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dileen uu ahaa Xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in raggii dilay ay horay u sii qaateen qori Ak-47 ah oo uu watay askariga la dilay.

Laamaha amaanka Maamulka Hirshabelle ayaan kaa hadlin dilka Sarkaalkan ay kooxda Al-shabaab sheegtay inay ku dishay Magaaladda Jowhar.

Jowhar oo xarun u ah Maamulka Hirshabelle ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu nabdoon Koonfurta Soomaaliya ee ay ku yar yihiin dilalka iyo qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar Deg Deg ah siiyay Guddiga Doorashada Heer Federaal

Cabdi Cade

Maxaad ka taqaan Tim Mynett, ninka cusub ee Ilhaan Cumar ay guursatay?

Caydiid Ali

Marwada 1-aad ee Dalka oo shir uga qeyb gashay Kuuriyada Koonfureed (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---