Dhisme Cusub oo lagu soo Kordhinayo Bangiga Dhexe ee Puntland (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka  Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Bangiga Dhexe ee Dowladda goboleedka Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Bashiir Muuse, Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland iyo Injineerro ka socday Shlirkadda fulinaysa mashruucan.

“Runtii sharaf wayn bay noo tahay inaan kasoo qayb galo dhagax dhigga xafladaan iyada oo tilmmaam u ah isbedelka Puntland ay tiigsanayso oo ay ugu horayso Hay’adaha dhinaca Maaliyadda ka shaqeeya iyo Horumarkooda Bangiguna uu yahay meesha ugu muhiimsan ee la rabo inay jihayso oo ay ka shaqayso” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go’an tahay  Puntland in Hay’adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Gabagabadii Madaxwaynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdilahi Deni ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Bangiga Dowladda Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -