Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo u digay Madaxweyne Trump

Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson, ayaa Madaxweyne Trump uga digay in uu ku taageero ololaha doorashada guud ee UK ka dhici doonto 12-ka bishan Deseembar.

Donald Trump ayaa taageero u muujiyay ra’iisal Wasaare Boris Johnson, waxaana uu ku tilmaamay inuu yahay qofka haatan ugu macquulsan.

Hase ahaatee ayaa Ra’iisal Wasaare Johnson waxa uu sheegay inay habboon tahay in labada dal ee UK iyo Mareykanka mid-ba uusan faragelin ololaha doorashooyinka dhinaca kale.

Dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah Trump ayaa la qorsheynayaa in lagu beego xilli casho-shaqaf loogu sameyn doono qasriga boqortooyada Buckingham Palace, halkaasoo boqoradda dalkaasi ay ku soo dhaweyn doonto.

Johnson ayaa la weydiiyay in taageerada Madaxweynaha Mareykanka ay tahay mid uu soo dhaweynayo iyo in kale.

“Mareykanka waxaa innaga dhaxeeya xiriir aad u dhow iyo saaxibtinimo, waxa taariikh ahaan aanu waligayaga sameyn ayaa ah in innaga oo ah saaxibbo isjecel, uusan midba midka kale ololahiisa doorashado ku lug yeelan” ayuu yiri Johnson.

Trump ayaa lagu wadaa in usbuuca soo socda uu Britain uga qeyb galo kulanka hoggaamiyeyaasha NATO.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -