Somaliya iyo Cudurka Caabuga Caronavirus Covid-19 iyo Halis Qarsoon !!

Cudurka Caabuga Caronavirus Covid-19 ee ka dilaacay Magaalada Wuhan ee Dalka China  ayaa isu rogay Cudur caalami ah oo qaaradaha tallaabay, isla markaan ku faafay waddamo badan oo caalamka ka mid ah, Sida Dalalka Iran, Japan, Kuwait , Masar, Mareykanka , Talyaaniga, Germany, Imaaraadka, Ciraaq, Kuwo Badan, , Dalalka aan Xiriirka Safar ee ugu Badan la leenahay ee Soo gaaray waxaa ka mid ah Dalka Imaaraadka oo ay Somali Badan ku Nool yihiin, Dalka Qatar Qaarada Africa wuxuu soo Gaaray , Morroco, Sidoo kale  Nigeria oo Ciidamo ka tirsan AMISOM POLICE ay Dalka Somaliya ka joogaan.

Dalka China oo ah Dalka labaad ee ugu horeeya Tiknoolajiyada iyo Cilmiga,Dhaqaalaha Lehna Nidaamka Caafimaad oo hormarsan ayaa ku guul dareystay inuu xakameeyo Cudurkan halista badan wuxuuna illaa hadda ka galaaftay Dalka China in ka badan 2,912 Ruux , wuxuuna asiibay ilaa 80,026  oo Ruux, Guud ahaan Dunida Wuxuu ku Dhacay 89,252 Ruux, Waxaa u Geeriyooday 3053

Dalal badan oo Dunida ah ayaa Dadkooda oo u badan arday Dalkaas wax ka barata gaar ahaan Magaalda Wuhan usoo Daad gureeyay Dalkooda hooyo, isla markaana ku xareeyay xeryo Karaantiil ah si looga hortago in ay Cudurka ku faafiyaan muwaadiniinta kale iyo qoysaskoda haddii ay Magaalada gudaha u galaan.

Haddaba Cudurkan in kastoo uu halis caalami ah yahay, waxay halistiisu si gaar ah ugu badaneysaa Dalalka aan laheyn Dowlad iyo Nidaam xoog leh, Hay’ado caafimaad oo leh aqoon iyo Qalab ku filan.

Dalka Somaliya oo ah Dalka ugu hooseeya dhanka Tayada Caafimaadka iyo Nidaamka Dowliga ah , haddii uu Cudurka Caronavirus soo galo waxay noqon doontaa Musiibo hor leh oo Kumanaan dad ah nolosha dhaafisa, sababtoo ah malahan Nidaam caafimaad oo adag iyo sidoo habraac leh isla xisaabtan oo lagu Xakameyn karo cudurka noocaan oo kale ah, iyadoo waliba illaa hadda aan la Hubin inuu Dalka ku jiro iyo in kale maadaama Xuduudaha Dalka aysan Sugneyn, sidoo kalana uusan jirin baaritaan la isku halleyn karo .

Dowladda Somaliya ayaa ku dhawaaqday Nidaam baariseed Dadka Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee Muqdisho kasoo degaya ee Dibadda ka imaanaya, Nidaamkaas oo inta muuqata aan ka badneyn Cabirka Heer kulka Qofka (Fever Degree Test) kaas oo aan marnaba caddeyn Rasmi ah ka bixin Karin in Qofka heer kulkiisu sareeyo uu Qabo Cudurka Caronavirus iyo in uu qabo Cuduro kale oo Qandhadoodu sareyo Sida Malaria iyo kuwo Kale oo badan, waxayna dad badan u arkaan mid u muuqda Dhoola tus Warbaahineed oo aan Sawirada dhaafsaneyn! .

Maxaa loo baahan yahay

Si Dadweynaha Soomaaliyeed ee ay Mas,uuliyadooda u dhaarteen Madaxda D.F ah loo badbaadiyo ,waxaa lagama maarmaan ah

A)in la Helo Qalab dhameystiran oo Xaqiijin kara Jiritaanka Cudurka iyo Jirititaan la,aantiisa iyo dadkii ku Shaqeyn lahaa oo u Tababaran ka hor tagga Cudurkaas lehna amaano iyo Dhaqan wanaagsan Wadaniyadoodana la hubo .

B)in la sameeyo Xarumo Karaantiil lagu hayo Dadka looga shakiyo Cudurka ee ka yimaada Dalka uu cudurku ka jiro ama kuwa Qandhadoodu sareyso ee looga shakisan yahay Cudurka

  1. C) gabi ahaanba la  joojiyo Soo gelida dadka China tagay muddo 3 Bilood ah ka hor ama soo maray, Sidoo kale in Daka ka yimaada Dalalka Cudurku gaaray in Lagu haayo Xarumo Karaantiil ah (dadku aysan gelin Karin kuwa ku jirana kasoo Bixi Karin) .
  2. D) in Si adag loola xisaabtamo mas,uuliyiinta diida Baaritaanka Garoonka markey kasoo dagayaan, Sida Wasiirad ka tirsan Xukuumadda ay sameysay oo kale , maxaa yeelay nidaamka cid ka sareysa ma jirto, waana arrin khatar gelin karta dad badan, Wasiir ku xigeen iran u Dhashay iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamanka iran ayaa cudurka u geeriyooday waxaana loo maleynayaa in aan la marsiin baaritaanka Garoonka.

Maamulada Dalka ka Jira ee Xuduudaha xiga , waxaa ay mas,uuliyad ka saaran tahay Bad qabka Dadkooda, waxaana loo baahan yahay inay arrintaasi ku baraarugaan,waayo waa mas,uuliyad maalinta qiyaamaha la iskula xisaabtami Doono, Somaliland waxay ku amaanan tahay Nidaamka iyo kala danbeynta ay ka sameeyeen Goboladooda , waxaana loo baahan yahay in ay ka taxadiraan Meelaha dalka Laga soo Galo gaar ahaan Marin Xadeedka Togwajaale ee Muhiimka u ah Ganacsiga Ethiopia iyo Somaliland oo dad badani maalin kasta ka talaabaan, Sidoo Kale Gobolada Galmudug iyo Puntland  ,Hirshabelle ,Jubbalanad ee Xuduuda la leh Gobolada Somaliya ee ay Ethiopia Gumeysato Sida Galaadi iyo Wardheer Galmudug, Dhinaca hiiraan , Qalaafe iyo Mustaxiil , Jubbaland Xuduudka Kenya in iyaguna ay isu socodka Xuduudaha  Xil iska Saaraan si uusan ugu soo gudbin Cudurku.

DFS oo Xilka ugu Weyn ee Dalka Dhabarka u ridatay waa in ay Kala Shaqeysaa Maamul Goboleedyada Sidii la isugu kaashan lahaa ka hortagga Cudurka Caronavirus, Dalkeenu wuu nugul yahay, mana ahan in Waajibka Danta Guud ee Dalkeena iyo Dadkeena ay naga hor istaagaan khilaafaadka Shakhsi ah.

Shacabka Maxaa la Gudboon.

Sida ay Dhaqaatiirtu ku talo bixiyeen waa in Qof kastaa uu Caafimaadkiisa xil iska saaro, isagoo raacaya Tallaabooyinka soo Socda

1-Soo iibso Gacmo dhaqa Jeermis dilaha ah ,Tusaale Lifeboys ,Detol IWM, ma ahan kuwo Qaali ah, ku dhaq gacmahaaga mar kastoo aad wax Cuneyso, ama caruurta siineyso ama aad Cunto Karineyso, marka aad Riixeyso caaga Sare ee Soo daadiya Dareeraha haku daataban gacantaada ee iska xiji Tiish Qalalan oo aan Qof kale isticmaalin iskana tuur.

2-Yareey taabashada Sanka, afka, Kaaga iyo kuwa Dadka kalaba, sidoo kale yareey isku imaadyada .

3-Caruurtaada ku adkeey in ay Gacmaha ku dhaqdaan jeermis Dilaha mar kastoo ay wax cunayaan ,sidoo kalana ku amar in ay yareeyaan taabashada Sanka iyo Afka , kooda iyo kuwa Dadka kalaba.

W/Q :  Bashiir Maxamed Maalin
Mr.bashiir088@gmail.com
Mogadishu-Somalia

- Advertisement -