Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Guddoomiye Mursal & wafdi uu horkacayo oo gaaray dalka Jabuuti

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo galabta ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray caasimadda Dalka Aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Doyaaradaha ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkaasi.

Booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia ayaa ka dambeysay ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudada uu dalkan joogo ka qeyb geli doonaa furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika

Caydiid Ali

Dowlad Carbeed oo taageertay howlgalka Milatari ee Turkigu ka wado gudaha Siiriya

Cabdi Cade

Guddoonka Aqalka sare oo sharci daro ku tilmaamay Muddo kororsiga Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---