Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika

ALLAHA u Naxariistee Cabdicasiis Axmed Siciid, ayaa xalay lagu Toogtay xaafada South Gate oo ka tirsan Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kadib markii burcad hubaysan ay ku weerareen Dukaankiisa.

“Dukaankiisa ayuu ku jiray, markii ay rag hubeysan oo iska dhigaya inay wax gadanayaan ay soo galeen, kadibna ay isaga xabadda ku bilaabeen, dhaawac halis ah ayaa gaaray, isla markiiba intaan Isbitaalka la gaarsiinin ayey Nafta ka baxday” ayuu yiri goob jooge halkaas ku dhowaa.

Laba Wiil oo kale oo la joogtay ayaa la sheegay in midkood uu cararay, kii kalena waxaa qabtay burcada balse nasiib wanaag waxba ma gaarsiinin sida warku sheegayo.

Marxuumka, ayaa ka mid ahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhowr iyo Tobanka Sano daganaa Dalkani Koonfur Afrika.

Burcada weerarka gaysatay ayaa la sheegayaa inay wataan gawaari kala duwan.

Dukaanka ay xalay weerarka ka gaysteen ayaa la sheegay iney dhowr habeen ka hor isku dayeen inay dhacaan balse uma suuragelin.

Ciidmada booliska oo gaaray goobta ay toogashada ka dhacday ayaa baaraya dilka iyo kooxdii ka dambeysay.

 

Related posts

Dalalka ku midoobay Ururka EAC oo ka hadlay codsi uga yimid dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo maalmo kadib ku laabtay Kismaayo laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---