Mohamed Ali Ramasani Dastik oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Iiraan ayaa u geeriyooday cudurka halista ah ee Coronovirus sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee dowladda ee FARS.

Maxamed Cali Ramasani Dastik oo dhawaan loo doortay xildhibaan ayaa dhowr maalmood ka hore laga helay Viruska Corona oo fara ba’an ku haya dalkaas.

Xildhibaanka ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal looga dabiibayay Viruska oo ku yaalla magaalada Tehran, isagoo noqonaya siyaasigii u horreeyay ee u geeriyooda cudurkan.

Ilaa 9 ruux ayaa ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus dalka Iran 24 kii saac ee la soo dhaafay, iyada oo la xaqiijiyay dad ka badan 600 qof uu ku dhacay cudurku oo ay ku jiraan Wasiir iyo xildhibaano.

Xildhibaankan ahaa noqonaya masuulkii labaad ee xukuumadda Iiraan ka tirsan ee xanuunkan laga helo iyada oo madaxwayne ku xigeenka dalkan sidoo kale la xaqiijiyay in caabuqan laga helay.

Masaajidada dalka Iran ayaa shalay laga tukan salaadii Jimcaha oo dad badan ay iskugu yimaadaan ka dib markii dowladu ay sidaas amar ku bixisay si looga fogaado in cudurkaas uu sii faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -