Dowlad Carbeed oo taageertay howlgalka Milatari ee Turkigu ka wado gudaha Siiriya

Ciidamada milatariga Turkiga ayaa howlgal kawada Waqooyiga dalka Siiriya si ay halkaasi uga saaraan xoogaga hubeesan ee kurdiyiin oo lagu eedeeyay in ay halis ku yihiin amaanka dalka Turkiga.

Howlgalka Turkiga ayaa cambaareeyn xoogan kala kulmay wadamo badan oo Carbeed iyo dowlado Mareykanka ku jiro, waxaana wadamada qaar ay ka aamuseen ka hadalka howlgalkan Turkigu ka wado Siiriya.

Dowlada Qatar ayaa si cad u taageertay howlgalka dowlada Turkiga kawado gudaha Siiriya, waxa ayna Qatar sheegtay in howlgalkaasi noqday mid laga maarmaan ah oo lagu difaacayo amniga Qaranka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani ayaa sheegay in Xukuumada Ankara lagu qasbay inay ka jawaabto halis lama huraan ah uu sheegay in ay kusoo wajahneyd amniga Turkiga.

“ Markii hore Turkey waxay tiri ‘ha teegeerinna kooxahan, cidna ma dhageysan, Waxay isku dayayeen muddo sanad ah inay arrintan xal kala gaaraan Mareykanka, oo ay abuuraan aag amni, si ay halista uga dhaqaajiyaan xuduuddooda.” ayuu yiri Bin Jassim.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxda YPG iyo garabkeeda siyaasadeed ee PYD ay yihiin laan kamid ah kooxda la mamnuucay ee PKK, waxa uuna sheegay in kooxdan Argagaxiso u aqoonsan yihiin dowlado badan .

Dowlada Qatar oo taageero lama ilaawaan ah ka heshay dowlada Turkiga markii go’doomiyeen inta badan Wadamada Carabta ayaa markeeda taageero iyo garab istaag u muujisay dowlada Turkiga oo xiligan cadaadis xoogan wajaheysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -