Mareykanka iyo kooxda Taliban oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah (Daawo Sawiiro)

Mareykanka ayaa kooxda Taliban la saxiixday heshiis taariikhi ah maanta oo Sabti ah kaasoo u gogol xaaraya in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood ee soo socda waxayna arrrintani soo afjareysa colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi.

Inkasta oo heshiiskani uu qeexayo in Mareykanku uu si tartiib tartiib ah uga baxo dalkaasi Afghanistan, wadahadallada dhinacyada Afghanistan ayaa noqon kara kuwa aad u adag.

Heshiiskan ayaa waxaa ku kala saxiixday caasimadda Qatar ee Doha, ergayga wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar.

Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa goob jog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa u duulay magaalada Kabul, booqasho ay khubaradu ku sheegeen in looga gon leeyahay sidii xukuumadda Afghanistan loogu xaqiijin lahaa ka go’naanshaha Mareykanka ee taageerada dalkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -