Uhuru Kenyatta oo amar siiyay qaar kamid ah Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Hogaamiyaasha gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ,kulankan ayaana looga hadlayay xaalada gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Kulanka Madaxweynaha dalka Kenya la qaatay Hogaamiyaasha Kenya ayaa diirada lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gobolkaasi oo mudooyinkii dambe sii kordhay.

Sida uu qoray Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya Madaxweynaha Kenya ayaa hogamaiyaasha Soomaalida uu la kulmay u sheegay in aan la aqbali karin sii socoshada weerarada Al Shabaab ka fulinayaan Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa hogaamiyaasha Soomaalida uu la kulmay ku amray in mudo labo isbuuc gudihiidsa ku keenaan xal waara oo looga hortagi karo laguna soo afjari karo weerarada Al Shabaab ee sii kordhaya.

Kulanka Madaxweynaha dalka Kenya la qaatay Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya waxaa hormuud u ahaa Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale waxaa sidoo kale kulanka joogay Godoomiyaasha Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera.

Weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa mudooyinkii dambe sii kordhay, waxa ay weeradaasi saameyn badan ku yeesheen nolosha gobolkaasi gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -