Ra’isul Wasaare Xamse soo arkay sida ay u shaqeyso Safaarada Soomaaliya ee Masar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa la kulmay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay magaalada Qaahira.

Mudane Xamse ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan qaabka u shaqeyso safaaradda, Danjiraha safaarada Ilyaas Sheekh Cumar iyo hawlwadeennada oo ka hadlay baahiyada ay qabaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku boorriyay safiirka iyo howlwadeennada kale in ay si hufan shaqadooda u gutaan, isla markaana si daahfuran ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Xamse Barre oo booqasho dhoor maalin qaadatay ku joogay dalka Masar ayaa sidoo kale horey ula kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Qaahira ,kuwaa uu ka xaal wareestay xaaladooda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -