Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo uu Axmed Madoobe ka diray Dhoobley oo gaaray Balad Xaawo 

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in duleedka degmadaasi soo gaareen ciidamo cusub oo katirsan Daraawiishta maamulka Jubbaland, kuwaa oo ku biiray ciidamo kale oo halkaasi horey ugu sugnaa.

Ciidamadan katirsan Daraawiishta Jubbaland oo aad u hubeesan ayaa ka tagay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose, waxa ayna ciidankan xoojinayaan ciidamada Jubbaland uu horkacayo Wasiirka Amniga maamulkaasi ee jooga duleedka Balad Xaawo.

Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Dhoobley ayaa la sheegay in ciidankan uu abaabulay una diray degmada Balad Xaawo si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee maamulkiisa ee dhaq dhaqaaqa ka wada banaanka Balad Xaawo.

Saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadan cusub ee gaaray duleedka Balad Xaawo loogu tala galay in gacan ka geestaan xasilinta degmooyinka gobolka Gedo oo ay sheegeen in rabashado iyo xasilooni daro ay ka jirto.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa abaabul kawaday labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Dhoobley , waxa uuna Madaxweynaha ka shaqeeyay sidii ciidamo badan uga diri lahaa magaaladaasi si ay u gaaraan gobolka Gedo.

Degmada Balad Xaawo iyo inta badan dehmooyinka kale ee gobolka Gedo waxaa hada gacanta ku haya ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya, ciidamadan ayaana ku jira kuwa diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -