Ciidamada amaanka oo fagaare bur buriyay dhalooyin Khamri ah (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxa ay kusoo qab qabteen dhalooyin khamri ah oo lagu iibinayay qeybo kamid ah degmadaasi.

Taliska booliiska degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in in ciidamada howlgalka ay sameeyeen kusoo qab qabteen khamrigan qaabka ganacsi loo keenay degmada Caabudwaaq.

Fagaare kuyaala degmada Caabudwaaq ayaa lagu bur buriyay khamrigan ay soo qabteen ciidamada booliiska Galmudug, waxaana goobta khamrigan lagu bur burinayay ku sugnaa saraakiil katirsan booliiska, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Taliska booliiska Caabudwaaq ayaa sheegay in ay wadayaan howlgalada ay ku beegsanayaan khamriga oo dhibaato badan ku haya shacabka, waxa ayna u digeen ciidamada dadka ganacsiga u keena Khamriga iyo waliba kuwa ka ganacsada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -