Dowlada Iran oo Eedeyn la xariirta Cudurka Caronavirus u jeedisay dowlada Mareykanka

Dalka Shiinaha iyo wadamo badan oo caalamka kuyaala ayaa dagaal adag kula jira sidii looga hortagi lahaa in uu sii faafo cudurka halista badan ee Caronavirus, kaa oo galaaftay nolosha dad badan kuwa kalana ay hada la il daran yihiin.

Iran ayaa kamid ah wadamada uu cudurkan halista badan gaaray, waxaana la xaqiijiyay in dad badan ugu dhinteen cudurka Caronavirus halka ay la il daran yihiin dad badan uu ku jiro Wasiir kuxigeenka caafimaadka Iran .

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa ku eedeyay dowlada Mareykanka in dalkiisa ku faafineyso cabsi badan oo la xariirta cudurka Caronavirus , waxa uuna cadeeyay in asan ogolaan doonin in Mareykanka dalkiisa ku furo feyrus cusub uu ugu yeeray cabsi daran.

“Waa in aynaan u ogolaan America inay Coronavirus noogu darto fayrus cusub oo loogu yeero…cabsi darran,” ayuu Madaxweyne Rouhani ka sheegay kulan ay yeesheen golaha Wasiirada .

Hadalka Madaxwenaha Iran ayaa imaanaya kadib markii  xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo  uu ku eedeeyay dowlada Iran in ay qarineyso macluumaadka ku saabsan cudurka Caronavirus ee dalkaasi ka dilaacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -