Maamulka G/Banaadir oo dhaqaale badan ka sameenaya Lo’da magaalada laga aruuriyo

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday olole balaaran oo xoolaha gaar ahaan lo’da looga aruurinayo wadooyinka magaalada iyo sidoo kale xaafadaha qaar.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa amar ku siiyay gudoomiyaasha degmooyinka gobolka in ay wadooyinka kasoo aruuriyaan lo’da wadooyinka magaalada dhax socda, waxaana maamulkii aanan qaban howshaasi ugu hanjabay ganaax.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga aruuriyay boqolaal lo’ ah, waxaana lo’da la aruuriyo magaalada loo sameeyay goob maamulka gobolka u diyaariyay oo loogu magac daray xarunta baadi qabadka xoolaha.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhaqaale badan ka sameenaya lo’dan ay magaalada ka aruurinayaan, waxaana la sheegay in neef walbo oo dadkii lahaa uga daba tagaan xarunta baadi qabadka in laga qaadayo lacag dhan 10-Dollar si neefkaasi loogu soo celiyo.

Lacagtan laga qaadayo xoolaha laga aruuriyay wadooyinka magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn waxa lagg qabanayo iyo cida jeebkeeda ay ku dhaceyso, waxa ayna lacagtan ganaaxa sheegeen dadka xoolaha laga watay qaarkood in ay ku adag tahay bixinteeda.

Xoolaha gaar ahaan lo’da lagu soo daayo wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa wax badan u dhima bilicda caasimada, waxaana dadka leh xoolahaasi door bidaan in xoolaha magaalada ku fasaxaan si ay usoo helaan waxyaabo ay cunaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -