Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Gacan ku dhiigle la baadi goobayay (Sawirro)

Ciidamada booliiska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiigle labo habeen kahor meel ku dhaw xarunta Degmada Dayniile ku dilay gabar aan waxbo galabsan.

Ninkan ciidamada amaanka galabta soo qabteen ayaa habeenkii khamiista soo galeysay degmada Dayniile waxa uu ku dilay Hani Ismaaciil Yuubane oo aheyd gabar heesatay labo caruur ah .

Gacan ku dhiiglaha oo baxsaday markii uu dilka geestay kadib ayaa ciidamada amaanka oo baadi goob ugu jiray waxa ay galabta ku guuleesteen in ay soo xiraan, waxaa horey sidoo kale u xirnaa askarigii lahaa qorayga dilka lagu geestay iyo dad kale.

Qoyska gabadha la dilay ayaa borey u codsaday in gacanta lagu soo dhigo ninka dilka u geestay gabadhooda lana horgeeyo cadaalada, waxa ayna sheegeen qoyska marxuumada in aad uga naxeen falka dilka ah uu ninkan u geestay gabadhooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -