Wakiilka QM ee Somalia oo War ka soo saaray Weerarkii maanta lagu qaaday Xalane

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire James Swan ayaa cambaareeyay weerarkii Hoobiyeyaasha ahaa ee maanta lagu qaaday xarunta Xalane oo ay ku yaalaan xarumaha heyadaha UN-ka.

“Waxaan aad ula yaabay ficilkan argagaxa leh ee argaggixisadu kula kacday shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta. Nasiib wanaagse, in badan oo shaqaalaheenna ah ayaan wax cabsi ah laga qabin. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan” ayuu yiri Mr. Swan.

Waxaa uu intaas ku daray in weerarkan iyo kuwa la midka ah aysan ka joojin doonin iney sii wadaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

“Ma jirto sabab loo qaadan karo falalkaas naxariis darrada ah, Qaramada Midoobayna waxaa wali ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto jidkeeda nabadda, xasilloonida iyo horumarka.” ayuu ku sii daray Swan.

Ugu yaraan todob qof ayaa ku dhaawamay weerarkan waxaa ka mid ah saddex ka mid ah ciidamada AMISOM laba qof oo ka tirsanaa shaqaale ka shaqeynayay dhismaha iyo ruux ka mid ah Shaqalaha QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -