Xiliga Xariga laga jarayo Tayaatarka Qaranka iyo Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo la shaaciyay

Guddoomiyaha guddiga xuska 60 guurada xorriyadda iy midnimada oo ay dhinac taagnaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in la weyneeyo xuska 60 guuradii kasoo wareegtay markii Soomaaliya ay xurnimada ka qaadatay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Guddoomiyaha guddiga xuska 60 guurada ahna Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’iid ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa iclaamiyay mashaariic horumarineed oo laga hirgelin doono magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyadoo weyneyneyso xuska 60 sano guurada ay  xarigga ka jari doonto toddobaadka xorriyadda xarumo badan oo dalka muhiim u ah sida Tiyaatarka,Madxafka,Maktabadda,garoonka ciyaaraha ee Istadium Muqdisho,Fagaaraha Midnimada oo laga hirgeli doono xarunta Baarlamaankii hore,Beerta xorriyadda oo laga hirgeli doono degmada Waaberi,guryihii Wakaaladda kaluumeysiga,Beero lagu nasto iyo goobo kale oo waxbarasho oo laga hirgeli doono gobolada dalka.

Ugu dambeyntii Wasiir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan in la baneeyo guryaha dowladda si dib u dhis loogu sameeyo maadaama burbur uu soo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -