Hal magaalo oo caabuqa Caronavirus dadka uu ku dhacay ka badan yihiin dadka uu…

Cudurka Caronavirus ayaa kusii faafaya wadamada caalamka oo dhan, waxaana sii kordhaya dadka uu cudurkan haleelayo iyo waliba kuwa maalinbo maalinta ka dambeysa u dhimanaya caabuqan.

Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka saameynta ugu badan uu cudurkan ku yeeshay, waxaana gudaha Mareykanka sii kordhaya dadka u dhimanaya iyo kuwa uu soo ridanayo Caronavirus.

Magaalada New Yourk ayaa noqotay magaalada ugu badan uu ku faafay cudurka Caronavirus, waxa ayna magaaladan dadka kunool uu ku dhacay Caronavirus ka badan yihiin wadamada caalamka oo dhan ay ku jiraan Spain , Talyaaniga iyo Shiinaha .

Tirada uu magaalada New York soo ritay Covid-19 ayaa Khamiistii gaartay 159,937, taasi oo ka sara martay dalka Spain oo dadka uu cudurka so ritay ay dhan yihiin (153,000 qof) halka Taliyaaniga ay tiradda gaartay (143,000).

Dalka Shiinaha uu kasoo bilowday caabuqa Caronavirus ayaa waxa uu ku dhacay dad gaaraya 82,000 oo qof, waxaana magaalada New Yourk ka badan tahay dadka uu haleelay cudurka Wadamada uu saameynta ugu badan ku yeeshay cudurkaasi.

Mareykanka oo ah dalka ugu badan uu cudurkan ku faafay ayaa laga soo sheegay 462,000 kiis, halka ay dhimashadu mareyso ku dhawaad 16,500, waxaama laga cabsi qabaa in ay kasii kordhaan tiradan hada la ogyahay.

Caalamka oo dhan ayaa laga soo tabiyay in cudurka Caronavirus uu ku dhacay dad ka badan  1.6 milyan oo qof, halka tirada dhimashada caalamka ay mareyso 95,000 oo qof , dadka ugu badan ee u dhintay cudurkan ayaa kunool Mareykanka iyo Yurub.

 

- Advertisement -