Hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Faransiiska oo caro badan dhaliyey

Shacab careysan ayaa dibad-baxyo ka dhigay safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay caasimadda dalka Cameroon ee Yaoundé, waxay ka careysnaayeen hadal kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska oo ay ku tilmaameen inuu ku aflagaadeeyay madaxweyanaha Cameroon Paul Biya.

Waxay arrintani ka dambeysay kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya madaxweyne Emmanuel Macron oo sheegayo in madaxweynaha Cameroon uu ku cadaadiyay inuu xabsiga ka sii daayo hogaamiyaha mucaaradka dalkaas Maurice Kamto.

“Waxaan toddobaadka dambe u yeeraya madaxweyne Paul Biya, waxaan saareynaa cadaadis xooggan si xaaladda loo dejiyo” ayuu Macron u sheegay mid kamid ah dadka u doodo xuquuqul insaanka.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu sheegay in Cameroon ay ka taagan tahay dhacdooyin ka dhan ah xuquuqul insaanka isla markaana aan la aqbali karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -