Xarun labaad oo hey’ada socdaalka ka furatay Muqdisho oo xariga laga jaray (Daawo Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah xariga looga jaray xarunta labaad (2-aad) ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo laga hirgaliyay Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajaray xarunta labaad (2-aad) ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

Xaruntan cusub ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada caadimadda ku dhaaan gaar ahaan 8-Degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo Xamar Weyne.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa horey Muqdisho ugu laheyd hal xarun oo kutaala gurigii hore ee Shaqaalaha , waxaana xaruntaai adeegeeda dhibaato badan ku qabay shacabka ka kala yimaada degmooyinka kala duwan ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -