Axmed Madoobe oo Abaabul dagaal bilaabay xili labo culees uu saaran yahay

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ka bilaabay abaabul dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al Shabaab.

Axmed Madoobe oo gaaray Dhoobley ayaa kulamo xasaasi ah la leh saraakiisha hogaamisa ciidamada Jubbaland, waxa uuna Axmed Madoobe saraakiisha ciidamada kala hadlayaa sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay Axmed Madoobe ayaa saraakiisha ciidamada Jubbaland ku amray in ay bilaabaan howlgalo Al Shabaab looga saarayo gobolka Jubada Dhaxe iyo deegaanada kale ee kaga sugan yihiin Jubbada Hoose.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in labo culees ku furan yahay maamulkiisa mid dhanka Al Shabaab iyo mid kale oo dowlada federaalka ku heyso gaar ahaan ciidamada la wareegay degmooyinka gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa xiligan wajaha xaalad adag , maamulka ayaana dhinac waxaa kaga furan dagaalka Al Shabaab halka dhinaca kalana uu culees kaga imaanayo dowlada gaar ahaan ciidanka la wareegay gobolka Gedo.

Ciidamada Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo gaar ahaan duleedka degmada Balad Xaawo ayaa dhankooda wada abaabul dagaal oo ka dhan ah ciidamada dowlada federaalka ee la wareegay degmada Balad Xaawo iyo Degmooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -